Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ka furmay shirka madasha wada tashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre, kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) & Madaxweynayaasha Shanta dowlad goboleed.
Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadli doonaa dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab oo haatan ku kooban oo kaliya Hirshabelle, sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta DFS iyo maamulada, wax ka qaabshada arrimaha abaaraha iyo xalinta buuqa ka yimid arrimaha shidaalka.
Madaxda ayaa dood dheer ka yeelaaya arrimaha ay shirka uga hadlayaan, iyada oo laga yaabo in waqtigii shirka loogu talo galay uu ka dheeraado maadaama mas’uuliyiinta ay arrimo xasaasi ah ka hadlayaan.
Geba-gabada shirka shirka ayaa waxaa la filayaa inay madaxda ka soo saaraan warmurtiyeed ay uga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen, waxaana shirka isha ku haaya Beesha Caalamka & Shacabka Soomaaliyeed.