Shirka Sanad laha ee ay isugu yimaadaan saamileyda shirkada isgaarsiinta Somtel oo lagfu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah saamileyda iyo masuuliyiinta shirkada.
Intii uu socday kulanka waxaa warbixino laga dhageystay hey’adaha dhaqaalaha u xilsaaran iyo madaxda qeybaha kala duwan ee shirkada isgaarsiinta Somtel oo la aasaasay 2013-kii
Saamileyda ayaa sanadkii labaad qaadanaya saamigooda iyadoona saami cusub la furi doono 6 sano kadib furitaanlka shirkada waxaana munaasabaan kuwa la mid ah ka socdaan maamul goboleedyada dalka qaarkood sida lagu xusay warbixinta qof kasta oo ka mid ah saamileyda waxaa la sheegay in akoonkiisa loogu shubay faa’iidada oo noqotay 15%
Madaxa waaxda ganacsiga Somtel Cabdullahi Cali Caamir oo munaasabada ka hadlay ayaa faafaahiyay horumarka shirkada iyo kobaca daqliga dhaqaale ee shirkada u soo kordhay isagoo islamarkaana ku dheeraaday ka hadalka heerarka kala duwanaa ee ay soo martay shirkada isgaarsiinta Somtel oo hoos tagta Dahabshiil Company. Sidoo kale wuxuu xusay adeegyada Kaabe iyo Keydso faa’idada ay bulshada u leeyihiin iyo waliba warshada ama mashiinka dhaliya oksijiinka oo bulshada ciiri u qabeen oo ay geeyeen isbtaalka
Madaxa Maaliyada ee Somtel Aadan Xaaji Yuusuf (Aadan Dheere) ayaa ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay
Maareeyaha guud ee shirkada Cabdiraxman Isaaq Cali oo munaasabada soo gabagabeeyay ayaa ka hadlay u jeedka shirka iyo natiijada laga faa’iday iyo sida macaamiilku uga mid noqonaya milkiilayaasha shirkada
Maalgaliyaha shirkada ayaa noqday Maxamed Siciid Ducaale halka saamiga ugu badana uu leeyahay Maxamed Cusmaan Cali