Home Afsomali Shirkii Golaha wasiirada dowlada fadaraalka oo baaqday iyo xafiiskii oo leyrkii dabka...

Shirkii Golaha wasiirada dowlada fadaraalka oo baaqday iyo xafiiskii oo leyrkii dabka laga jartay

camar-cabdi-rashiid

Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii haya ayaa maanta u baaqday arrin la yaab leh kadib markii xafiiska R/wasaaraha laga jartay Korontadii.

Golaha Wasiirada ayaa u tegay xafiiska kadib markii loogu yeeray inay soo xaadiraan shirkoodii toddobaadlaha ahaa, laakiin waxay la kulmeen in xafiiska uu ahaa koronto la’aan.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii shirkadii shidaalka siin jirtay Matoorada xafiiska ay joojisay inay shidaal kale bixiso, taasoo ay ugu wacan tahay in deymo lagu yeeshay xafiiska R/wasaare Cumar C/rashiid uu bixin waayay.

Wasaaradda Maaliyada ayaa hore uga joojiyay xafiiska R/wasaaraha kharashkii uu ka qaadan jiray Bankiga Dhexe kadib markii uu amray madaxweyne Xasan Sheekh.

R/wasaaraha uu arrintan ka carooday ayaan la ogeyn tallaabada uu qaadi doono, inkastoo xiriirka kala dhaxeeya Madaxweynaha uu sii xumaaday tan iyo markii uu shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

1 COMMENT

Leave a Reply to Mohamed Mahamoud Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.