Home Afsomali Somaliland oo qarka u saaran in ay musaafiriso Isimadda dhaqanka ee Beelaha...

Somaliland oo qarka u saaran in ay musaafiriso Isimadda dhaqanka ee Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle

Somaliland ayaa eedeymo iyo hadalo adag u jeedisay Isimadda dhaqanka ee Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, ee ku howlan xal u helida dahaalka Laascaanood

Telefashinka Somaliland ayaa baahiyey labo hadal oo laga qabtay, Jiif Caaqil Cumer Cali Canbe oo ah Caaqilka gobalada Galbeedka Hargeysa iyo Siyaasi Axmed Cumar (Axmed Nasiye), kuwaasoo si weyn ugu gafey Isimada dhaqanka ee nabada ka shaqeynaya

Labada nin ayaa ku ku sifeeyay odayaasha dhaqanka inaysan dhexdhexaad aheyn, aysana imaan karin Somaliland

Waxay sheegeen in odayaasha ka yimid Koonfurta Somalia ay u tageen Laascaanood iney colaada sii huriyaan, aysana wadin wax maslaxad ah oo Somaliland dan u ah.

Labada nin ayaa ku ku sifeeyay odayaasha dhaqanka inaysan dhexdhexaad aheyn, aysana imaan karin Somaliland

Waxay sheegeen in odayaasha ka yimid Koonfurta Somalia ay u tageen Laascaanood iney colaada sii huriyaan, aysana wadin wax maslaxad ah oo Somaliland dan u ah.

Canbe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi in uu xoog ku qabsado magaalada Laascaanood ama kasoo baxo, haddii uu awoodi waayo isagoo xusay ineysan jirin wax laga wada hadlo.

Odayaashan ka baxay magaalada Muqdisho oo haatan ku sugan magaalada Laascaanood ayaa qorsheynaya iney tagaan magaalada hargeysa ee xarunta Somaliland si ay arrimaha nabadeynta Sool ugaa hadlaan dhigooda Somaliland iyo Maamulka Muuse Biixi.

Previous articleOdoyaashii Muqdisho ka ambanaxay oo aan weli xalkeenin
Next articleWarsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee qaranka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.