Home Afsomali Soomaali badan oo ku guuleysatay doorashooyinkii ka dhacay Mareykanka

Soomaali badan oo ku guuleysatay doorashooyinkii ka dhacay Mareykanka

Waxaa xalay ka dhacday dalka Mareykanka doorashada  xilliga dhexe ee Mareykanka, waxana ka qeybgalay musharraxiin Soomaali-Mareykankan ah, kuwaas oo badankood guuleystay, iyaga oo u tartamay xilal kala duwan oo heer degmo, gobol iyo Federaal ah.

Musharrixiinta ugu badan ee Soomaalida ah ayaa ka tartamay Gobolka Minnesota, kuwaas oo gaarayay ilaa 12, balse waxaa doorashada ku guuleystay 8 Soomaalia ah oo isugu jira rag iyo Dumar, waxana ay kala yihiin.

1: Ilhan Cumar oo markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

2: Saynab Maxamed ayaa noqotay Haweeneydii ugu horreeysay ee madow ah ee loo doorto senate-ka gobolka Minnesota ilaa iyo markii ay Minnesota gobol noqotay 164 sanno ka hor, iyada oo guuleystay kursiga iyo xilka ay loolanka ugu jirtay ee ka dhacay magaaladda Minneapolis.

3: Samakaab Xuseen ayaa noqday qofkii u horeeyay ee Soomaali ah ee loo doorto kursiga Aqalka Hoose ee magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota.

4: Farxiya Feerayare iyo Cabdul Cabdi ayaa iyagana loo doortay guddiga iskuullada magaalada Minneapolis, halka Cumar Faatax isna dib loogu soo doortay kursigiisii Aqalka Sare ee uu horay ugu fadhiyay.

5: Ismaaciil Maxamed iyo Muniira Cabdullaahi ayaa ka mid noqday golaha wakiillada gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Gobolka Maine waxaa Aqalka Sharcidejinta kusoo baxay laba gabdhood oo Soomaali ah, kuwaas oo kala ah Maana Cabdi oo aan lala tartamin iyo Deeqa Dhalac oo aheyd Gabadhii ugu horeeysay ee duq Magaalo ka noqota Mareykanka kuwaas oo kusoo baxay doorashooyinkiii ka dhacay magaalooyinka Portland iyo Lewiston.

Sanad kasta doorashada xilliga dhexe ee dalka mareykanka ee u tartamida heer degmo, gobol iyo Federaal ayaa waxaa isku soo sharaxa Soomaali aad u farabadan, kuwaas oo badankood guuleysta, maadaama degaannad lagu tartamayo ay ku badan yihiin Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.