Home Afsomali Suxufi ka Faalooday dhaqanka foosha xun ee Cumar Faaruuq Fiiri Indhaha...

Suxufi ka Faalooday dhaqanka foosha xun ee Cumar Faaruuq Fiiri Indhaha Faraha Ha iga Galine

Hortada Fiiri Indhaha Faraha Ha iga Galine Xalay waxaan ku soo maray Garoonka Bole International Airport Addis abbaba Ethiopia Koox Tahriibayaal Soomaali ah oo Saxafiyiin loo ekaysiinayay iyo Muqalaskii waday kuwaas oo sifo aan sharci ahayn wadanka Transti ugu ahaa loona sii waday siminaaro dalka Talyaaniga ka dhici raba si ay halkaas uga sii tahriibaan .
Tiradaan dhalinyarada ah oo watay aqoonsiyo Saxafaadda ,ururka Shaqaalaha , iyo ururo xuquuqul Isnaanka oo sifo sharci daro ah ku helay ayaa markii la qabtay waxay sheegteen inay yihiin saxafiyiin , Kadib markii la soo waydiiyay Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta qaranka ee NUSOJ Mohamed Ibrahim Nur Moalimuu uu sheegay inuusan hal qofna ka aqoonsan karin lana socon dadkaa iyo halkay ka yimaadeen .
Dhalinyaradaan la qabtay oo ahaa kuwa lacago laga qaatay si loo tahriibiyo kuwaas oo laga keenaay gobolada dalka iyo caasimada Muqdisho ayaa sida aan warka ku helay xalay xabsiga Liinta ku dhex cabayay wallow saaka la sii daayay si dalkii ay ku yimaadeen lagu celiyay .
Muqalaskan suuqa madow ku shaqaysta ayaa laga soo bilaabo 2004 ilaa haatan ku shaqaysta tahriibinta dhalinyaro soomaaliyeed isagoo sheegta inuu yahay Xoghayaha Guud , Gudoomiyaha, Gudoomiye kuxigeenka , Madaxa Maaliyada ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ . #IndhaAdkaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.