Degmada Galcad waaa mid ka mid ah degmooyinka Gobolka Galguduud ee bartamaha soomaaliya. Degmadu waxay juguraafi ahaan 350 km dhanka woqooyi kaga began tahay magaala madaxda Dalka soomaaliya ee Muqdisho waxayna ku taallaa cirifka koonfureed ee gabalka galgaduud.
Degmada galcad ayaa markii ugu horeysay waxaa degmo loo aqoonsaday 13/8/1990 kadib markii uu madaxweynihii xiligaas talada hayey ee Jaalle Max’ed Siyaad Barre uu ku magacaabay wareegto kasoo baxday oo su summadeysneyd L/C/81/12-708-1 texraac No: L/C/81/12-708-1 oo ku beegneed tr:25/7/1990 taas oo uu saxiixay wasiirkii arimaha gudaha ee xiligaas C/qaadir Xaaji Maxmed Masalle degmadan horey waxaa loogu aqoon jiray magaca caanka ah Ceel Max’ed Baarre taas oo ilaa iyo hadda mararka qaar loogu yeero.
Degmadu waxay soohdimo la wadaagtaa degmooyinka kala ah Ceeldheer, Galhareeri, Ceelbuur, Maxaas, Aadan yabaal, Ruun dhirgood iyo waliba badweynta Hindiya, waxayna ka kooban tahay 4 xaafadood oo kala ah xaafadaha: Ceel weyne, Barwaaqo, SYL iyo Heliwaa waxayna u dhisantahay hab seddax xagal ah oo ka kooban seddax waaxood oo kala ah waaxda SYL, waaxda Sh:ibraahin iyo waaxda Heliwaa tuulooyinka iyo deegaanada hoos taga degmada galcad waxaa ka mid ah Masaga weyn, Marey suuley, Baraag sh:caamir, Burtuble, Waniinle, Tuulo Aflax Ceel hareeri, Tawakal, Ceel ciid, Cows weyne, gal libaax Budbud,Ulan jaran iyo waliba tuulooyin iyo deegaano kale. Deegaanka masaga weyn oo hoos taga degmadan galcad waxay xarun u tahay barashada culuumta Islaamka waxana wax ku barta arday (Xer) ka kala yimaado gobalada dalka soomaaliya waxaana gacanta ku haayo Shiikh Ismaciil Macalin C/kariin oo ka dhaxlay Sheikh Siciid Shiikh Ibraahim Yare waxaana halkaasi ku yaala goobo wax barasho oo qadiimi ah kuwaas oo la dhisay bartamihii qarnigii 18 aad.