Home Afsomali Taariikhdii Axmed Gacayte Yuusuf

Taariikhdii Axmed Gacayte Yuusuf

Taariikhdii Axmed Gacayte : Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Axmed Gacayte Yuusuf wuxuu xaafadda xidigta looyaqaanno ee Hargeysa uu ku dhashay sannadkii 1948 waxaanu ahaa curadka 10 wiil iyo 3 gabdhood uu dhalay Aabbo Muxumed Yuusuf caan ku ahaa magaca Gacayte .
Maalin ka mid ah dhammaadka sannadkii 1964 ayey weriyayaal ka tirsan idaacadda Radio Hargeysa waxay booqdeen dugsiga Axmed Gurey ee xaafadda Iftin oo uu Axmed Gacayte ka mid ahaa ardayda wax ka barata ka dibna waxay ka duubeen codad lagu qiimaynayo ardayda kuwooda heesi kara si looga dhigo fannaaniin.
Axmed ayaa ka mid ahaa kuwii codkooda la duubay ka dibna maalin kale ayaa dugsigii la soo booqday waxaana loo sheegay in Axmed yahay qofka ugu codka fiican ilaa toban arday oo codkooda la duubay , sidii ayaana idaacadda loo geeyey si heeso looga qabto.
Bilawga sannadkii 1965 ayuu Axmed qaaday heestii koowaad oo ahayd “ Ahlan wa sahlan Daahir, Ahlan wa sahlan deeqa” waxa la qaadayey Marwo Maxamed Cabdi iyo gabadh Shamso Diidan la odhan jiray oo aan fanka waqti badan ku jirin.
Maalin aabihii Gacayte oo meel dubnad ku ciyaaraya ayaa idaacadda ka maqlay wiilkiisii oo heesaya ka dibna taasi waxay sababtay inuu guriga ka eryo madaama aan faham badan laga qabin waagaas fanka .
Wixii ka dambeeyey Axmed wuxuu dhexgalay badweyntii heesaha iyo laxamaynta , waxaanu laxameeyey riwaayado badan sida , Rooble ma runbaa oo ay wada lahaayeen Cabdi Qays iyo Axmed Saleebaan Bidde , Ninba Timo Xamar oo uu lahaa Meecaad Miigane iyo weliba Boon Xirsi , Jacayl waakane kaalay oo uu Axmed Saleebaan allifay iyo riwaayado kale sida Xorriyo oo uu Abwaan Singub allifay .
Axmed Gacayte Yuusuf dadka fanka u dhuun daloolaa waxay ku tilmaamaan inuu ahaa ninka ugu heeso laxamaynta badan fanka Soomaalida ee hirgalay , heesaha ay qaadaan fannaaniinta , Sahra Axmed , Axmed Mooge, Maxamed Axmed Kuluc, Kinsi Xaaji Aadan , Khadra Daahir , Marwo Maxamed Cabdi , Faadumo Maandeeq , Maxamed Mooge Liibaan , iyo fannaaniin kale oo ay ka mid ahayd Marwo Cabdi Axmed ayuu laxameeyey oo ay dheertahay inta uu isagu qaado .
Bandhig faneedyadii u dambeeyey ee uu Axmed ka qaybqaato waxa ka mid ahaa mid loo bixiyey magaca saddexda Axmed iyo sannadka cusub oo Tiyaatarka Hargeysa lagu dhigay habeenkii sannadka cusub ee 1988 waxaana ku wehelinayey Axmed Cali Cigaal iyo Axmed Mooge Liibaan., wuxuu ahaa nin fikir badan , oo aan hadal badnayn keligii socodna ah,
Cabdi Gacayte oo la dhashay Axmed yaan kala sheekaystay taariikhda walaalkii wuxuu ii sheegay “ Axmed habeen isaga oo ila jooga ayaan weydiiyey sida uu laxamada u sameeyo , markaasi ayuu yidhi “ aniga waxaan ka fikiraamarka koowaad in dadka oo dhan ay kala cod duwanyihiin sida shimbiraha uu Alle abuurayba u kala cod duwanyihiin markaas qofba laxan ayaa ku habboon , halkaasi ayaan wax ka abaaraa “.
Axmed Gacayte sannadkii 1988-kii ayaa lagu dilay Hargeysa isaga oo 40 sanno jira waxaana dilkiisa ka dhashay dood adag oo mararka qaar eedaymo inay ku luglahaayeen ah loogu jeediyey dad ka tirsan fannaaniintii xilligaas Hargeysa ku sugnayd .

Heesaha uu laxameeyey Axmed ama uu qaaday maxaad ka taqaan ?

Alle ha janneeyo Axmed

Waxa Qoray Cumar Seerbiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.