Tababarkii sadaxaad ee saxafiyiinta aqoontooda sare loogu qaadayey oo lagu qabtay magaalada hargeysa
Wasiirka horumarinta Somaliland Eng Cabduqaadir iimaan warsame ayaa magaalada hargeysa tababar ugu soo xiray qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howgala oo mudo 4 cisho ah lagu tababarayey isbedelka cimilada oo uu soo qaban qaabisay urur goboleydka Igad qeybteeda egbaad
Waxaana saxafiyiintaan lagu tababarayey sidii ay warbixino iyo barnaamijyo kala duwean uga sameyn lahaayeen saameynta isbedelka cilimada ay ku yeelato bulshada deegaanka iyo xoolahaba
Cabdirashiid cumar oo ah wakiilka Somaliland ee igaad iyo xusen sheikh oo ah macalinkii bixinayey tabaabrka ayaa ka warbixiyey muhiimada tababarkaan iyo waxyaabihii ay ka faaiidieysteen saxafiyiintaan ka kala socday Somaliland ee qaatay tababarkaan aqoontooda sare loogu qaadayey ee isbedelka cimilada .
Wasiirka horumarinta Somaliland Eng Cabduqaadir iimaan warsame ayaa halkaasi ka hadlay waxaana saxafiyiinta qaadatay tababarka aqoontooda sare loogu qaadayey u soo jeediyey inay cilimiigii ay ka faaiideysteen intii tabaabrku socday u gudbiyaan bulshada reer Somaliland isla markaana ay ku baraarujiyaan saameynta isbedelka cimiladu ku yeelato deegaanka beeraha iyo guud ahaanba bulshada waxaana uu ka codsaday saxafiyiintaan in ay xiriirla yeeshaan wasaaradaaha ay quseyso sida beeraha iyo xanaanada xoolaha ,waxaana uu sheegay in ay soo dhaweynayaan ka wasaarad ahaan .
wasiirku wuxuu u mahadnaqay urur goboleydka igad gaar ahaan qeybta egbaad ee bixineysay aqoon korosigaan ,waxaana uu shaadooyinkii ay muteysteen ku gudoonsiiyey saxafiyiintii loo carbiyery sidey uga warami lahaayeen isbedelka cimilada
Guntii iyo gunanadkii wasiirku wuxuu u mahadnaqay urur goboleydka igaad gaar ahaan qeybta egbaad ee bixineysay aqoon kororsigaan isagoo halkaasine shahaadooyinkooda ku gudoonsiiyey saxafiyiintii loo tababaray siday uga warbixin lahaayeen isbedelka cimilada
https://youtu.be/liXPEXT86os
https://youtu.be/ziCptO5ZBzI
https://youtu.be/WFYk5ioojEs