Taliyaha Ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM Gen. Stephen Townsend oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha 46aad ee Dalkaas uu la wadaagay digniin la xiriirta halista ka dhalan karta awoodda sii xooggeysaneysa ee Al-Shabaab tan iyo Janaayo 2021 oo ku beegan markii Askartii Ameerikaanka laga saaray Soomaaliya.
Gen. Stephen Towsend ayaa sheegay in uu qabo welwel la xiriira in Al-Shabaab fulin karto weeraro ka dhan ah Danaha Mareykanka weliba meelo ka baxsan Soomaaliya xitaa Gudaha Dalkiisa sida uu hadalka u dhigay.
<span;>“Waxa aan tuhunsanahay in Al-Shabaab awood u leeyihiin in Mareykanka ay ku bartilmaameedsadaan meel ka baxsan Gobolka xitaa haddii ay ahaan lahayd Mareykanka, Washington si weyn loogama Aaminsano sirdoon ahaan balse dareenkeyga Taliye ahaan waxa uu ii sheegayaa in ay sameyn karaan sidaas”<span;> ayuu yiri Taliyaha AFRICOM.
<span;>Stephen Towsend ayaa sheegay in ay la kulmeen caqabado uga yimid go’aanka Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee la xiriiray in Ciidamada Ameerikaanka ah laga saaro Soomaaliya weliba iyaga oo ku howlan howlgallo culus.
<span;>Towsend ayaa tallaabada Ciidanka Mareykanka looga saaray Soomaaliya janaayo 2021 ku tilmaamay go’aan qar iska tuur ah oo khatar ah isla markaana hoos u dhigay awoodda howlgallada Mareykanka ee socday.
<span;>“Waan dhiibtay Taladeyda waana u gudbiyay Xoghayaha Aqalka Cad waa in Madaxdeena aan siinaa fursad ay uga fakiraan wax weliba maadaama Xaaladda Ukraine ay tahay arrin soo korortay, Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka waxa ay joojiyeen howlgallada ay la fulinayeen Dhiggooda Soomaaliya sabab ka dhalatay Dagaalka Itoobiya oo hoos u dhigay dhaqdhaqaaqa Mareykanka”<span;> ayuu yiri Gen. Stephen Towsend.
Wargeyska <span;>Wall Street Journal<span;> ayaa 10kii Maarso 2022 daabacay macluumaad uu ka helay saraakiil Mareykan ah oo la xiriira in <span;>Taliyaasha hoggaamiya Ciidamada ay dalbadeen in Madaxweyne Biden uu dib u celiyo Ciidamadii laga qaaday Soomaaliya Janaayo 2021.