Home Afsomali Taliyaha Ciidanka Kenya oo si Qarsoodi iyo isaga oo aan xushmeen...

Taliyaha Ciidanka Kenya oo si Qarsoodi iyo isaga oo aan xushmeen dowlada Somalia booqasho ku yimid Taabto, Bilis qooqaani, Hoosingow degmada Afmadow iyo meelo kale oo ay qariyeen

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Guud ee Kenya Janeraal Roberto Kibochi ayaa socdaal ku yimid deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose markii ugu horreysay tan iyo markii Bishii hore xilkaasi loo Magacaabay.

Janeraal Roberto Kibochi oo safarkiisa ahaa mid la qorsheeyay ayaa waxaa uu kormeer ku tegay Xeryaha Ciidamada Kenya ee kamid ah AMISOm ku leeyihiin deegaannada kala ah, Taabto, Bilis qooqaani, Hoosingow iyo degmada Afmadow, isaga oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Kenya ee xeryahaasi ku sugan

Taliye Roberto Kibochi ayaa Saraakiisha Ciidamada kala hadlay dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka ee xaduuda la leh Kenya,waxaana saraakiisha uu maray inay dar dar geliyaan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobolada Jubbooyinka.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in booqashada uu Soomaaliya ku yimid Taliyaha Ciidamada difaaca Kenya uu yahay mid lagu dhiiri gelinayo Ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Janeraal Roberto Kibochi ayaa horay waxaa uu uga howlgalayay deegaannada Jubbaland sanadkii 2018, isaga oo xiligaas ahaa Taliyaha Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya,waxaana socdaalka uu ku yimid Soomaaliya xilligaan uu kusoo aaday xilli weli Ciidamada Kenya ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.