Home Afsomali Taliyihii ururka horseed ee ciidanka daraawiishta Galmudug gaashaanle Maxamed Cali Salaad...

Taliyihii ururka horseed ee ciidanka daraawiishta Galmudug gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo qarax miino lagu dilay

Maxamed Cali salaad

Taliyihii ururka horseed gaashaanle Maxamed Cali Salaad ee ciidanka daraawiishta Galmudug

Wararka laga helayo deegaanka Shabeellow ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka deegaanka.

Dadka deegaanka qaarkoid ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay duulaan ku qaadeen fariisin ay ciidamada daraawiishta Galmudug ku laahaeyeen deegaanka

Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa sheegay in ay iska caabiyeen kooxdii soo weerartay

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dagaalkaasi shan askari, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa kamid ah Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ka mid ahaa saraakiisha daraawiishta Galmudug, sidoo kalena dagaalka lagu gubay gaari dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.