Home Afsomali Tirada dhimashada Dhul-gariirkii Türkiga oo weli sii kordhayso

Tirada dhimashada Dhul-gariirkii Türkiga oo weli sii kordhayso

Ugu yaraan 2,379 qof ayaa ku dhintay Dhul-gariirkii shalay ka dhacay K/Bari ee dalkaasi.
Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, Fu’aad Oktay ayaa ku dhawaaqay inay 2,379 qof ku dhinteen Dhul-gariirkii shalay, halka ay 14,483 kalena ku dhaawacmeen.
Dhul-gariirkaasi waxa uu saameeyey 11 Gobal oo ka tirsan dalka Türkiye, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Goballada Malatya, Şanlıurfa, Osmaniye iyo Diyarbakır.
Tirada ayaa laga cabsi qabo inay sii kororto, sababo la xiriira burburka Baaxadda leh ee uu geystay Dhul-gariirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.