Home Afsomali Tuugo Koronto ku dishay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Tuugo Koronto ku dishay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Saddex nin oo burcad ah ayaa la sheegay in xalay saqdii dhaxe koronto ku dishay xaafada Siinay ee magaalada Muqdisho, burcadan ayaana goobjoogayaal sheegeen in koronto  ku dhigtay sidaasna ku geeriyoodeen.

Sida aan wararka ku helnay saddexdan nin ee geeriyooday oo watay badiilo ayaa qodayay baalo koronto hoostiisa si ay ugala baxaan fiilooyin, waxaasa si lama filaan ah ugu dhegtay koronto oo ugu dambeyn halkaasi ku dishay.

Dadka deegaanka ayaa saakay kusoo toosay meydadka saddexda nin oo halkaasi yaallay, waxa ayna dadka ku wargaliyeen ciidamada booliiska oo halkaasi ka qaaday meydadka raga geeriyooday si baaris loo marsiiyo.

Maamulka degmada Boondheere oo falkan ka dhacay ayaan wali ka hadlin dhacdadan, waxaana geerida saddexdan nin ee koronta dishay xalay saqdii dhaxe si weyn looga hadal hayaa xaafada Siinay iyo xaafadaha ku dhaw dhaw.

Kooxo burcad ah ayaa sidaan oo kale marar badan horey u dishay koronto xilli ay ku hoolanaayeen falal xatooyo ah, burcada ayaana mararka qaar fiilooyinka korontada baxsada, iyaga oo sidoo kale furta batariyada ku xiran leerarka cadceeda ku shaqeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.