Home Afsomali Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi. Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka...

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi. Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.

HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.

HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil.
Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.