Ciyaartaan oo aheyd mid loo dhigay koobka ramadaanka 24 kooxood oo ka socday dagmooyinka gobolka banaadir ayaa finalki waxaa iskugu soo harey boondheere iyo shingaani oo ay guushu raacday degmadda shangaani ee gobolka banaadir.
Waxaana ka soo qeybgalay gudoomiyaha maamulka gobolka banaadir gudoomiyaha dagmada boondheere iyo ku xigeenkeeda maamulka isboortiga ee heer fadaral. shacabka dagmooyinka iyo masulyiin kala duwan.
Gudoomiyaha dagmada bondheere seynab yuusuf wehliye oo munaasibada ka hadashay ayaa hambalyo u dirtay kooxihii ka qeybqaatay tartanka isportiga ee dagmooyinka gobolka banaadir gaar ahaana labada kooxood ee iskuugu yimid kama danbeystay.
Gudoomiyaha isportiga xasan yabarow wiish ayaa si guud hambalyo u direy maamulka gobolka iyo kan dagmada boondheere wuxuuna ka warbixiyey heer uu gaaray isportiga dalka iyo mudadii uu socday oo uu sheegay in ay qeby libaax ku lahaayeen gudoomiyayaasha dagmooyinka.
Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho enj cabdiraxman cumar cismaan, yariisow oo soo gabagabeeyey tartanka ayaa mahadcelin ka sokow sheegay in uu la dhacsan yahay qaabka walaaltinimo oo ay u cayaareen kooxihii ka qeybgalay tartanka bisha ramadaan oo qeyb ka ah horumarinta isportiga iyo isdhaxgalka bulshada.
Duqa muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisu ku dadaalayo sidii loo hormarin lahaa isportiga gobola banaadir.