Home Afsomali VIDEO Ciidanka Asluubta Soomaaliya Ayaa Ka soo kabanaya Burburkii soo gaaray (...

VIDEO Ciidanka Asluubta Soomaaliya Ayaa Ka soo kabanaya Burburkii soo gaaray ( DAAWO SAWIRADA

Munaasibadaan Xariga looga jarayey Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Somaliyeed  oo ka dhacday Dhismaha xarunta ee KM 7 Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo Qeybgalay Wasirka Wasaarada garsoorka iyo cadaalada qeybaha kala duwan ee saraakiisha cidanka asluubta iyo kuwa xooga dalka xildhibaano kooxda baambeyda ciidanka ciyaartoyda hidaha iyo dhaqanka iyo mart sharaf kale

Wasiirka cadaalada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada waxayna Xariga ka jareen dhismaha xarunta taliska asluubta ee KM &7

fanaaniinta Kooxda onkod ee ayaa Munaasibada ku soo Bandhigay heeso iyo riwaayado ka turjumayey wax qabadka ciidanka Asluubta

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoga dalka Janaraal Cali caraaye cosoble gacmo duule  ayaa sheegay in  wada shaqeyn guud ay ka dhaxeyso dhamaan ciidamada qalabka sida  oo dhan Ayna garb taagan yihiin ciidanka xoogu ciidamada asluubta somaliyeed

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan oo munaasibada khudbad dheer ka jeediyey ayaa  Sheegay in ciidanka asluubtu ay gaareen waajibaad koodii isla markaana sarkaal kasta uu xafiis ku yeelan doono xarunta taliska asluubta wuxuuna xusay in la dhameystiri doono Mariicda kale ee dhimana ciidankundiyaar u yahay in ay dib u dayactir ku sameynayaan.

Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji  oo soo gabagabeeyey munaasibada xariga looga jarayey xarunta taliska asluubta oo 27 sono ka dib .oo dib u dayactir lagu sameeyey Ayaa sheegay in ciidmada kale ay ku daydaan hurumarka ay gaareen ciidanka asluubta Wuxuuna dhamaan ciidamada kula dardaarmay in ay xiriir yeeshaan si loo heli amni iyo kala danbeyn

Wuxuu tacsi u direy askarigii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay afaafka hore ee xabsiga dhaxe ee magaalada muqdisho oo uu sheegay in uu badbaadiyey in ka badan 40 sarkaal oo ka tirsan ciidanka asluubta

Ugu danbeyntiibayaa shahaado sharaf howlkarnimo iyo agab kala duwan oo ay sameeyaan maxaabiista ku jirta xasiga dhaxe ee magaalada muqdisho la gudoonsiiyey shaqsiyaad iyobhey.ado ka qeybqaatay dayactirka dhismaha xarunta asluubta ee KM 7

Sida dhamaan xarumaha lafoole kuleejagada ubaxa kacaanka afgooye iyo xabsiyada burbursan

Waxeyna ugu hambalyeeyey hogaanka asluubta guusha ay gaareen oo uu sheegay in amaantaas ay ka siman yihiin dhamaan talisyada ciidanka qalabka sida oo dhan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.