Duuliye Asli Xasan Cabaade oo deeq lacageed gaarsiisay Naafada XDS ee MartiiniDuuliye Asli Xasan Cabaade (Calansida) oo aheyd haweeneydii ugu horeysay Soomaaliya ee duulisa dayuurad ayaa maanta booqatay naafada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku degan Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.
Asli oo ka mid aheyd duuliyeyaashii ugu firfircoonaa ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa markii ay aragtay duruufaha ay ku sugan yihiin naafadii ciidanka XDS waxaa indhaheeda ku soo fariisatay ilmo, iyadoo ka damqatay daryeel xumada heysata naafada ciidanka.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan booqasho iyo salaan idinkugu imaado maanta anigoo ah Duuliye Asli Xasan Cabaade oo ka tirsanaa ciidankii hore ee xoogga dalka Soomaaliyeed, maadaama aynu nahay dad isla soo halgamay, waxaan runtii ka murugooday duruufaha nololeed ee aad ku nooshihiin, waxaana ka baryayaa ILAAHAY inuu umadda Soomaaliyeed oo dhan dhibka ka qaado” ayey tiri Asli.
Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa Maama Asli Hassan Abade waxay intaa ku dartay in naafada xoogga dalka ay yihiin kuwo lixaadkooda ku waayey difaaca ciida iyo calanka Soomaaliyeed, ayna taariikhda ka galeen baal dahab ah oo aan la iloobi Karin, waxayna xustay in qof kasta oo Soomaali ah ay waajib ku tahay inuu ka qeyb qaato daryeelkooda.
Maama Asli Xasan Cabaade ayaa naafada xoogga dalka guddoonsiisay deeq lacageed oo ay ugu soo talo gashay, waxayna balan-qaaday iney si joogto uga war heyn doonto, iyadoo ugu baaqday dowlada Soomaaliya, ganacsatada iyo Jaaliyadaha dibeda iney il gaar ah ku hayaan xaalada naafada XDS ee Martiini.
Afhayeenka ciidanka XDS ee Martiini oo isna goobtaas ka hadlay ayaa uga mahad celiyey duuliye Asli Xasan Cabaade booqashada ay ugu timid iyo deeqda ay soo gaarsiisay, isagoo dhinaca kale warbixin ka siiyey xaalada naafada xoogga dalka iyo duruufaha adag ee ay ku nool yihiin.
Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Aadan Magan Maxamed oo ka tirsan naafada ciidanka XDS isagoo sheegay in Asli ay tahay qof wadaniyad ah oo ka tilmaaman ciidanka Xoogga dalka ayna kasoo jeedo qoys ciidan, isagoo tusaale u soo qaatay aabaheed, hooyadeed iyo qaar ka mid ah walaalaheed oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee ciidanka, wuxuuna ku amaanay sida ay u soo xusuusatay una soo booqatay ciidankii ay ka mid ahaan jirtay 27 sano ka dib.
Duuliye Asli Xasan Cabaade ayaa intii ay goobtaas joogtay waxay la sheekeysatay qaar ka mid ah naafada xoogga dalka, iyadoo ka wareysatay xaaladooda nololeed iyo halka ay wax ka helaan, waxayna balan-qaaday iney codkooda gaarsiin doonto jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibeda si ay kaalmooyin u soo gaarsiiyaan.
Asli Xasan Cabaade (Calansido) oo ku nool gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa dhowaan ku soo laabatay dalka, waxayna kulamo kala duwan la qaadatay madaxda dowlada oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, masuuliyiin kale iyo qeybaha bulshada, iyadoo amaantay horumarka iyo nabada ka jirta magaalada Muqdisho.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view