https://youtu.be/ukX3CD-gCmc
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethipioa ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole si diirran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed diblomaasiyiin iyo Masuulliyiin kale .
Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaare Abiy, waxa ayna ka wada hadli doonaan adkeynta xiriirka labada dal iyo guud ahaan xaaladda iskaashiga gobolka ee dhinacyada Siyaasada dhaqaalaha waxbarashada iyo amniga.
Wafdiga Madaxweynaha la socda ayaa iyana kulammo la yeelanaya dhiggooda dalka Itoobiya, si loo xoojiyo wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac waxaana halkaa horey u sii joogay danjiraha Somalia u fadhiya halkaa Eng Cabdixakiim Xaaji Cumar Camay.
Safarkan waxa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Mahad Ciise Cawa, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo La-taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.