VIDEO Ganacsade Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Cali oo loo yaqaan Caddow Cali Gees oo Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka madaxweye ee dalka ( DAAWO SAWIRADA )
Munaasibad balaaran oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayuu Ganacsade Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Cali oo loo yaqaan Caddow Cali Gees kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan qabashada xilka madaxweye ee dalka .
Munaasibada oo aheyd mid uu si rasmi ah uga dhawaaqay hankiisa ayuu sharaxaad kaga bixiyey ujeeda iyo waxa ku dhaliyey .
Waxaana munaasibada ka soo qeybgalay xildhibaanada labada aqal xildhibaano horey siyaasiyiin saraakiil ciidan ganacsato iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay .
Dhamaan masuuliyiintii madasha ka haday ayaa si isku mid ah u soo wada dhaweeyey una hambalyey musharaxa ku soo biirey musharaxiinta kale ee u tartameysa qabashada xilka madaweyne ee dalka .
Xildhibaan ilka case oo ka mid ah xildhibaanada munaasibada ka hadashay ayaa jeediyey qudbad dhinacyo badan taabaneysa wuxuuna xusay in Cadow Cali Gees yahay masuul lagu aamini karo masiirka umada somaliyeed .
“Hankaaga iyo hadafka aad hiigsaneyso hambalyo ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey .
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in ganacsade xildhibaan Musharax Cabdulaahi Cali Axmed Cadow Cali Gees uu dalka wax badan u qaban doono maadaama uu yahay ganacsade weyn oo dalka iyo dibadaba si weyn looga yaqaan.
“maxaa inoo diiday in aan ganacsade doorano mareykankuba ganacsade ayuu doortay wuxuuna dalka u hormarin doonaa sidii ganacsigiisa uu u hormariyey oo kale
Ganacsade Xildhibaan Eng :Cabdulaahi Axmed Cali oo loo yaqaan Caddow Cali Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ee dalka uuna ka qeyb galayo doorashada soo socta
Gabagabadii ayuu Ganacsade Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Cali oo loo yaqaan Caddow Cali Gees hadal dheer ka jeediyay halkaas waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu wax u qabto ummada Soomaaliyeed guud ahaanba
Murashaxa ayaa bulshada xasuusiyey in dalku uu ku jiray dagaalo kala ujeedo ah mudo nus qarni ah isla markaana uu waxyeelo u geystay qeyb kasta oo bulshada Somaliyeed ka mid ah “sida nabadgalyada siyaasada dhaqaalaha caafimaadka waxbarashada uuna wax badan ka bedeli doono haddii madaxweyne loo doorto .
Cdow Cali ”aniga oo ku taamaya badbaadada dalka iyo dadka ayaa waxaa ii muuqday in uu dhaco isbedel siyaasadeed ee dalka .
“waxana goostay iyada oo in badan oo bulshada somaliyeed ah igula taliyeen in aan idiin soo bandhigo musharaxnimadeyda jagada madaxweynenimo ee dalka somaliya “
Waxaana aamin sanahay in aan keeni karo isbedelka dalku u baahan yahay waxaana kaashan doonaa awooda alle iyo awooda bulshada Somaliyeed .
“Waxaan la dagaalamayaa musuqmasuqa iyo ku tagri falka awooda dowlada Qabyaalada iyo nin jecleysiga waxaan dhisi doonaa hey.ado garsor waxaan abuuri doonaa fursado shaqo si loo soo afjaro tahriibka ay dhalinyarada Somaliyeed ugu dhamaanayaa badaha .
Waxaan balan qaadayaa in ay xaquuqdoodu si joogto ah u heli doonaan dhamaan ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dowlada
Waxaan dhiiri galin doonaa maalgashiga dalka Dhismaha iyo Dhamaan kaabayaasha ilaha dhaqalah
Waxaan ahey ganacsade ka maarma xoolaha ummada iyo in muqus maasuq wax looga raadsado ‘waxaana iga go.an in la soo celiyo sharaftii iyo karaamadii umaddu Somaliyeed horey u leheyd
Mushgarax Madaxweyne Ganacsade Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Cali oo loo yaqaan Caddow Cali Gees wuxuu ka mid yahay gacasatada Somaliyeed kuwooda ugu magaca maamuuska weyn .
Musharax Madaxweyne Ganacsade Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Cali oo loo yaqaan Caddow Cali Gees waa musharax kali ah ee ugu macquulsan murasharaxiinta u tartameysan qabashada xilka madaweynenimo ee dalka oo idil