Home Afsomali VIDEO Ganacsato Soo Dhaweyn iyo Taageero u Muujisay Go.aankii Wasaarada (...

VIDEO Ganacsato Soo Dhaweyn iyo Taageero u Muujisay Go.aankii Wasaarada ( DAAWO SAWIRADA )

Kulan Balaaran oo ay Muqdisho ku yeesheen Qeybaha kala duwan ee Ganacsatada Dalka ayey  ku soo dhaweeyen Go.aankii Wasaarada Ganacsigu ku kala didhay Rugtii Ganacsiga ee soomaaliya waxayna dalbadeen in la soo dedejiyo Doorasho Xaq iyo Xalaal ah

kulanka taageerada iyo Soo dhaweynta ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay ganacsatada dibada u iibgeeya alaabada iyo kuwa ka keenay ,waxaana sidoo kale ku jiray kuwa shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa ganacsiga badeecooyinka kala duwan

Ganacsatadii kulanka ka hadashay ayaa dhamaan waxaysi isku mid ah u soo wada dhaweeyeen go.aankii dowladu kula dirtay rugihii ganacsiga kuwaa oo dowlada ka dalbaday in ganacsatada loo qabto doorasho xaq iyo xalaal ah

Ugu danbeytiina waxaa Warmurtiyeed  ay si wada jir ah u soo saareen saxaafada u aqriyey Bile Cabdi siyaad.

Madaxda dowladda ayeey ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka wasaarada ganacsiga ku kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo doorashada la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Wasaarada ganacsiga ayaa maalintii shalay wareegto ka soo baxday ku sheegtay in gabi ahaanba la baabi’iyay Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyadoo ku baaqday doorasho cusub in guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed arintaa iska arkaan.

War ka soo baxay ganacsatada ayaa lagu yiri :

War-saxaafadeed kaani wax siyaasad ah lug kuma laha, sidoo kale Jacayl ama nacayb qof ama koox shaqo kuma lahan.

Wax shaqo ama dan ah oo ay ganacsiga magaaladaan u hayeen nimankii ay shalay kala dirtay Wasaaradda Ganacsigu majirin haba yaraatee.

Sax ma’ahayn sheegashadooda ahayd in loo dootay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in dib loo akhriyo warqaddii uu qoray Wasiirkii Ganacsiga ee taariikh 09/03/2017. Halkaas waxaa ku cad in aysan jirin cid wakiil ka ahayd ganacsatada Gobolka Banaadir.

Xaq ma ahayn mana jirto sabab ay wasaaradda maaliyaddu u siiso lacag canshuur ah koox ganacsato ah.

Canshuurtaas oo laga aruuriyey ganacsato masaakiin ah lagana yaabo in ay ku khasaareen badeecaddii canshuurta ay ka bixiyeen.

Waxaan soo dhoweynaynaa doorasho xalaal ah iyadoo la tixgelinaayo qodobbada soo socda:
Aqoon cilmi ah, iyo waayo aragnimo ka turjumeysa duruufaha dhaqaale iyo ganacsi ee waddanka, Isla markaasna haysta kalsoonida Ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxaan soo jeedineynaa in ganacsatadu taageerto go’aankii Wasaaradda Ganacsiga taariikh 26/08/2017, isla markaasna lagu dhisayo Rug Ganacsi oo la wada leeyahay raallina la iskaga yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.