Home Afsomali VIDEO Madaxweyne Faramaajo oo si aad ah u soo dhaweeyey Ansixinta ...

VIDEO Madaxweyne Faramaajo oo si aad ah u soo dhaweeyey Ansixinta raiial wasaaha dalka ( DAAWO SAWIIRADA )

Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Maxamed  farmaajo  ayaa furay kalfadhiga koobaad ee Baarlamaanka 10-naad kana codsaday xildhibaanada in ay codka kalsoonida siiyaa xasan cali kheyre , waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Gudoomiye jawaari ayaa faahfaahiyey markii cod  gacan tag ah loo Qaaday Raiisalwasaaraha natiijada  ansixinta  codka kalsoobida  wuxuuna tirin ka dib ku dhawaaqay in xilldhibaanada dhamaantood ay codka siiyeen Raiiisal wasaare Xasan Cali Kheyre

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadcelinta xildhibaanada codka kalsoonida buuxda leh siiyey ka dib ku dhawaaqay balanqaadyo Waxaana  Xasan Cali Kheyre  isla goobtii lagu ansixiyey si uu xilka ula wareego ku dhaariyey Godoomiyaha maxkada sare ee dalka

Xildhibaanada  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  cod caqlabiyad leh Ansixiyey Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo 23 bishaan  magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo”.

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa soo dhaweeyay go’aankii taariikhiga ahaa ee ay xubnaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen Mudane Xasan Cali Khayre oo uu 23kii bishii Febraayo u magacaabay jagada Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Madaxweynaha oo jeedinayay khudbaddii dastuuriga ahayd ee furitaanka kalfadhiga koowaad ee Golaha Shacabka ayaa waydiistay in ay ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub, si loo dardargeliyo howlaha horyaalla xukuumadda.
Intii aan Ra’iisul Wasaare Kheyre loo qaadin codka kalsoonida ayuu Madaxweye Farmaajo u caddeeyay xildhibaannada Golaha Shacabka in Mudane Xasan Cali Khayre uu yahay shakhsi karti iyo khibrad maamul u leh shaqada loo magacabaay, xog ogaalna u ah siyaasadda dalka, gobolka iyo caalamka. Madaxweynaha ayaa sheegay in Mudane Khayre uu yahay qof hufan oo ka fog qabyaaladda iyo qof jecleysiga.

Ka dib markii ay Golaha Shacabka codka kalsoonida ah si buuxda u siiyey Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu Madaxweynaha oo mar kale hadal ka jeediyay “Waxaan idin kaga mahadcelinayaa in aad siiseen codka kalsoonida Ra’iisul Wasaare Mudane Xasan Khayre, iyada oo aan qofna diidin, qofna ka aamusin. Taasi waxay muujinaysaa in ay bilaabatay midnimadii dadka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa sheegay in ay dowladdiisu ka shaqeyn doonto dibu heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, ilaalinta amaanada loo dhiibay, caddaalad bulshada wada gaarto iyo in loo naxariisto dadka saboolka ah.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa mar kale ugu baaqay qurba joogta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha bulshada in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyada ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

A2
A5
A3
A4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.