Home Afsomali VIDEO Madaxweyne Waare”Dad Muqdisho Joogo Ayaa Dhaqaalo Ku Bixinaya In Aan isu...

VIDEO Madaxweyne Waare”Dad Muqdisho Joogo Ayaa Dhaqaalo Ku Bixinaya In Aan isu furno wadooyinka hirshabelle kana so horjeedo nabadeynteena ”

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Maamulka Hir-Shabelle oo bilaabay qorsho uu ku tababaro Ciidamo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Xarumo Ciidan laga sameeyey Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne balse waxa  uu sheegay in ay jiraan dad diidan dagaalka Al-Shabaab oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

“Waan ognahay dad ayaa jira doonaya in Hir-Shabelle ay saan sii ahaato,diyaar ayaan u nahay in aan sameyno howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab balse waxaa jira dad ku sugan Magalada Muqdisho oo dhaqaalo ku bixinaya in aan la qaadin howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ayuu yiri Madaxweyne Waare”

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku daray in Hir-Shabeelle uu soo maray heer Magaalooyinka dhexdooda in isbaarooyin la dhigto balse haatan ay jiraan dad doonaya in ficilkaas uu soo laabto.

Hadalka Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa ku soo aadaya xili todobaadyadii la soo dhaafay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan,howlgalkaas oo Saraakiishu ay sheegeen in ay guulo ka gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.