Home Afsomali VIDEO Raisal Wasaaraha Somaliya “Shacabka dil ayey ku xakuman yihiin dadkii ...

VIDEO Raisal Wasaaraha Somaliya “Shacabka dil ayey ku xakuman yihiin dadkii Qaraxyada wax ku Noqday halmiyal oo doolar ayey dowladu siineysaa “

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay ka sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta dowladda hoose in dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe lacag dhan hal  million oo dollar ah

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah si toos ah lacagta ay balanqaaday dowladda loogu soo shubi doono Akoonka guddiga Gurmadka Qaranka.

Rasiisal wasaaraha Xukuumada Somaliya xasan Cali Kheyre oo ka qeybgalay shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa soo hadal qaaday waxyeelada uu geystay qaraxii  Musiibo qaran ee ka dhacay isgoyska zoobe wuxuuna  sheegay in shacabku ay ka foojignaadaan kuwii soo maleegay oo xili kasta laga filan karo in ay geystaan qaraxyo ay dad badani wax ku noqon karaan

dhanka kale raisal wasaaraha ayaa hadalkiisa laga dareemayey digniino iyo baaqyo kala duwan oo ku wajahan shacabka somaliyeed

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Qaraxii Zoobe ay ka danbeeyeen sida uu hadalka u dhigay dad bulshada Soomaaliyeed ka tirsan oo raba ayuu yiri in shacabka la baabi’iyo, sidaa daraadeed waxaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka intaba in loo istaago sidii arintaan looga hortagi lahaa.

Musiibadii zoobe ayaa ahaa midka ugu sameynta badan taarikhda qaraxyada somaliya ka dhaca Muuse

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.