Home Afsomali VIDEO Shir Noociisu uu Todobaadka dambe ka dhici doono Belgium-ka oo...

VIDEO Shir Noociisu uu Todobaadka dambe ka dhici doono Belgium-ka oo Muqdisho lagu Qabtay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee Dalka, kaasoo ay kasoo qayb galeen xubno ka socda Beesha Caalamka.

Kulankan oo u dhexeeyay Beesha caalamka, wakiillo matalaya hay’adaha caalamiga ah, Waddamada ay saaxiibka yihiin Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  qayb ka ah qorshayaasha ugu waaweyn ee ay Dowladda Federaalku ugu diyaar garoobayso in Ciidamada Qaranku ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka marka ay wakhtigooda dhammaystaan kuwa midoga Afrika.

Shirkan,ayaa Diiradda lagu saaray  amniga Dalka , iyo u diyaar garoowga shirka Tobaadka soo socda ka qabsoomi doono Magalaada Brussels ee Dalka  Belgium-ka, kaasoo looga hadli doono wakhtiga kala guurka oo ah xilliga la filayo inay Dalka ka baxaan Ciidamada AMISOM iyo sidii ay Ciidamada Soomaaliya ula wareegi lahaayeen amniga Dalka.

 Wasiirka wasaarada amniga Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow ducaale ayaa warbaahinta xogta la wadaagay

Todobaadka danbe ayaa lagu wadaa in  Shirka kaan mid la mid ah uu ka dhaco Magaalada Burugsalis ee xarunta dalka Belgium-ka waxaana Dowladda Soomaaliya uga qeybgali doono wafdi uu hogaaminayo RW xasan Cali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.