https://youtu.be/PGLU01bKZ5I
Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa laga soo sheegayaa in xalay magaaladaasi labo qof siyaabo kala duwan loogu dilay.
Nin hubeesan oo madaxa soo duubtay ayaa weeraray goob farmashiye ah oo kuyaalay magaalada Hargeysa waxa uuna halkaasi ku toogtay ninkii Farmashiga lahaa.
Sida aan Wararka ku heleyno ninka dilka geestay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada booliiska Somaliland kuwaa oo baaritaan kadib gacanta ku dhigay ruux la tuhmayo.
Dhinaca kale askari katirsan ciidamada Somaliland ayaa toogtay qof shacab ah kadib markii ay ku murmeen wado ay marayeen Marxuunka la dilay iyo askariga wax dilay oo labaduba la sheegay in ay gaari wateen.
Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Iimaan Fooxle ayaa sheegay in ciidamada booliiska gacanta ku dhigeen askariga qofka shacabka ah dilay, waxa uuna intaa raaciyay in sidoo kale ciidamada ay qabteen ruux kale oo lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka kale.
Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa inta badan looga baran dilalka dadka shacabka ah loo geesto, waxa ayna magaladaasi kamid tahay magaalooyinka ugu amaanka badan gayiga Soomaaliya.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0