Home Afsomali VIDEO Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo Sheegay...

VIDEO Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo Sheegay in Qaxootiga Suuriyiinta ah la mid aheyn ajaaniibta kale

https://youtu.be/RI197M-EOLU

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan ay golaha wasiirradu ku yeesheen Muqdisho ayaa ku amray wasaaradda amniga gudaha iyo wasaaradaha kale ee ay khusayso in ay soo diyaariyaan siyaasad lagu xakamaynayo qaxootiga dalka soo gelaya ee ka imaanaya dalalka ay dagaalladu ka holcayaan.

Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo shirka golaha wasiirrada ka qayb galay ayaa ka war-bixiyay hannaanka dib-u-eegista sharciyada socdaalka iyo dal-ku-galka, ajaanibta iyo qaxootiga dalka soo geliya iyo kuwa horay u joogay iyo saamaynta qalalaasaha wadamada deriska ay ku leeyihiin qul-qulka qaxootiga dalka soo gelaya.

goluhu waxa ay warbixin ka dhageysteen Maxamed Aaden Koofi taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha oo ka warbixiyay xaaladda qaxootiga dalka ku sugan iyo siyaasadda ay dowladda ka leedahay.

Kadib xogta uu taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadahu siiyay golaha ayaa ra’iisul wasaare Khayre waxa uu faray dhinacyada ay khusayso in siyaasaddaa xakamaynta qoxootiga ay noqoto mid maamuus gaar siinaysa qaxootiga ka imaanaya waddamada soo dhaweeyay mawaadiniinta Soomaaliyeed xilligii ay dalalkooda ku qaxeen.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa dhagaystay warbixin ay soo gudbisay wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guryaynta oo khusaysay sidii siyaasad looga yeelan lahaa dhismaha xarumaha dawladda, waxaana ugu dambayn golohu isku raacay in wasaaradu ay mas’uul tahay bixinta qandaraasyada lagu dhisayo xarumaha iyo xafiisyada dawladda.

Shirkii golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee soomaaliya oo uu shir-guddoominayay ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha, oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, xeerka fayadhowrka oo ay soo gudbisay wasaaradda caafimaadka, sidoo kale waxaa la ansixiyay saddex safiir oo ay soo gudbisay wasaaaradda arrimaha dibadda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.