Dadkaan mareykanka laga soo musaafuriyey ayaa saxaafada la hadlay waxayna tibaaxeen in si qasab ah Muqdisho lgu geeyey xiliyo kala duwan
Dhalinyaro dhawaan Muqdisho si qasab ah looga dajiyey ka dib markii dalka mareykanka oo ay ku galeen qaab sharci daro ah ayna weydiisteen magangalyo balse u suurtobi weyday ayaa maalmo ka dib saxaafada la hadlay .
Dhalinyarada ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii looga soo saaray xabsiyadii ay ku jireen iyo sidii ay ula dhaqantay safaarada soomaalida ee dalka mareykanka .
Masuuliyiinta mareykaku dadka wadamadoda uma celiyaan ee inaga waxaa na soo celiyey safarada soomaalida dadka u joogo oo halkii laga rabay in ay nala shaqeeeyaan u hiiliyey sidii dalka dib na loogu celin lahaa taasi oo ugu danbeyntii ay inaga qaadeen saxiix iyo faro ayey yiraahdeen dhalinyaradaan oo la soo baxay waraaqihii ay soo saxiixda safaaradu ee cadeynayey inay iyagu doorteen in ay ku laabtaan dalkooda waa sida ay u sheegeen madaxda dalka mareykanka taasi oo ay beeniyeen
Qaar ka mid ah soomaalidii mareykanka laga qaaday “Sharciga lanagu soo tarxiilay taabid Cabdi Maxamed ayaa ku saxiixan
Waa nasiib daro in ninkii Mareykanka naga soo tarxiilay u Muqdisho Nooga Yimid lagana dhigay Duq magaalo.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0