Home Afsomali VIDEO Xildhibaanada Baarlamaanka oo laalay Amarkii ahaa In cod doorasho ah lagu...

VIDEO Xildhibaanada Baarlamaanka oo laalay Amarkii ahaa In cod doorasho ah lagu celiyo 8 xildhibaan oo muran ka taagnaa qaabkii loo doortay

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Fadaraalka Somaliya ayaa kulankii 2aad ee kalfadhiga sadaxaad ku yeeshay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho .
Waxaana Shirka furay afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo sheegay in uu kooromku dhanyahay
Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Mahad Cabdale Cawad ayaa faahfaahiyey go.aanka iyo ajandayaasha shirka oo ay ka mid ahaayeen dib u eegida amarkii maxkamada sare ee dalka oo ahaa in 8 ka mid ah xildhibaanada lagu ceiyo doorasho kale taasi oo ay xildhibanadu ka biyo diideen
Gudoomiye Cawad ayaa ka warbixiyey qodobada ay ku laaleen amarka Maxkamada iyo go,aanada ay ka qaateen isla markaana wuxuu xusey Qodobada uu xildhibaan la dhaariyey xilkiisa ku waayi karo

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay qodobo sababi kara in Xildhibaanka katirsan Aqalka hoose uu ku weyn karo in uu xubin kasii ahaado Baarlamaanka .

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa leh xeer hoosaad dhigaya qodobada uu Xildhibaanku ku weyn karo in uu kasii mid ahaado Baarlamaanka, waxaana dad badan laga shaki bixiyay in Xildhibaanka uu si sahlan ku weyn karo kursigiisa.

Baarlamaanka hada jira ayaa waqtigiisa uu ku egyahay sanadka 2020-ka, waxaana inta ka horeysa xubin kasta oo kamid ah Aqalka hoose uu xaq u leeyahay in uu xubin kasii ahaado Baarlamaanka hadii aysan qaban qodobada xilka uu ku weyn karo.

Qodiobada Xildhibaanka uu kursiga ku weyn karo ayaa kala ah

1-Xubinta Baarlamaanka oo Geeriyooda.

2-Xubinta oo ay la soo gudboonaato xaalad xilgudasho la’aaneed joogta ah.

3-Xubinta oo istaqaalad u gubdisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana ogolaado.

4-Ka-maqnaashiyo labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aaney jirin sabab maangal ah.

5-Haddii ay xubinta aqbasho xil dowladeed aan wasiir aheyn.

6-Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaadinnimo, sida ku cad sharciga.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.