Home Afsomali Villa Somalia oo War ka soo saartay kulanka Saddex geesoodka ah ee...

Villa Somalia oo War ka soo saartay kulanka Saddex geesoodka ah ee ka furmaya Asmara ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea halkaas oo uu ka dhici doono shirka sadax geesoodka ah ee madaxda Somalia,Ethiopia iyo Eritrea

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Asmara ee dalka Ereteriy kaga qayb-gelaya kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.

Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha dalka Ereteriya  Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya  Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya wadahadalladan ayaa la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.