Home Afsomali Waa imisa Tirada xildhibaanada labada aqal imisa ayaa rag ah imisa ayaa...

Waa imisa Tirada xildhibaanada labada aqal imisa ayaa rag ah imisa ayaa Dumar ah imisa ayaa dhiman

Waxaa aad looga cabsi qabaa in doorashada gudoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha dib ugu dhacdo sanadka cusub maadaamo uu weli jiro khilaaf ka taagan qaabka loo qeybiyay xildhibaanada aqalka sare ee gobolada Waqooyi.Qaar kamid ah musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa qaba inaan loo baahnayn in la sugo inta laga dooranayo 275-ta xildhibaan oo marka la helo kooramku ku fadhiisan karo doorashada la guda galo halka qaar kale ay arintaas ka soo horjeestaan.

Dhinaca kale qaar kamid ah maamul goboleedyada ayaa diidan in liiska xildhibaanada la saxiixo inta laga xalinayo cabashooyinka jira,siiba cabashooyinka ka taagan qeybinta xildhibaanada aqalka sare ee gobolada Waqooyi.Hadaba waa imisa tirada xildhibaanada labada aqal ee la doortay,meeqaase dumar ka ah.

Tirada guud ee xildhibaanada aqalka hoose ee la doortay xili xaadirkan waa 200 halka tirada guud ee xildhibaanada aqalka sare loo doortay ay yihiin 43.

Tirada xildhibaanada la doortay

Jubaland
Aqalka hoose waxaa la doortay 43 xildhibaan(33 rag ah iyo 10 dumar ah) halka aqalka sare loo doortay 9 rag ah iyo 1 dumar ah

Puntland

Aqalka hoose waxaa la doortay 21 xildhibaan, (19 rag ah iyo 2 dumar ah) halka aqalka sare loo doortay  11(8rag ah iyo 3 dumar ah).Waxaa wali harsan 16 xildhibaan

Koonfur Galbeed

Aqalka hoose waxaa loo doortay 67 xildhibaan oo 14 dumar yihiin waxaa wali hadhsan doorashada 2 xidlhibaan.Aqalka sare waxaa loo doortay 8 xildhibaan oo ay 2 dumar tahay.

Galmudug

Aqalka hoose waxaa la doortay 30 xildhibaan oo ay 7 dumar yihiin,waxaa wali harsan 6 xidhibaan.Aqlaka sare 8 xildhibaan oo ay 2 dumar tahay

Hirshabeele

Aqalka hoose 35 xildhibaan oo ay 10 dumar tahay,waxaa wali dhiman 3 xildhibaan.Aqalka sare waxaa loo doortay 8 mudane oo ay 2 dumar tahay

Banadir

Aqalka hoose waxaa la doortay 4 xildhibaan oo 1 dumar tahay waxaa dhiman doorashada 2 xildhibaan.

Somaliland

Aqalka sare 0/46

Aqalka hoose 0/11

Wadarta xildhibaanada la doortay ee labada aqal waa 243  oo ay 54 dumar tahay.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.