Danjiraha waxa uu ka hadlay Xiriirka Somalia iyo The Netherland iyo Khibrada uu ka kororsaday Xaalladda Somalia iyo Kaalinta ay Muwaadiniinta Soomaalida haysta dhalashada dalkiisa ka qaataan Arrimaha Siyaasadda, Ganacsiga, Maalgashiga, wuxuuna Xusay inay Qurbo-joogtaasi Xilal sare ka hayaan DFS iyo Maamulka Somaliland.
Mar wax laga weydiiyey Xiriirka Somalia iyo dalkiisa waxa uu sheegay inuu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana uu Khibrad ballaaran ka helay Xaalladda Colaadeed ee Somalia.
Waxa kale oo uu ammaanay Qurbo-joogta Soomaalida haysta Dhalashada dalka The Netherlands, waxa uu tilmaamay inay Arrin Cajiib tahay doorka ay ka qaataan Isku-xirka labada Dowladood iyo Isbedelka ay ku sameeyey Nolosha Bulshada.
“Waa Wax Cajiib ah in la arko in Somali badan oo haysta dhalashada Dhajka inay dib ugu soo laabteen Somalia iyo Somaliland ganacsi ahaan, Maalgashi ahaan ama inay Xilal ka qabtaan Dowladda iyo Siyaasadda” ayuu yiri Danjire Frans Makken.
Ambassador Frans Makken waxa kale oo uu ku sheegay Wareysiga uu siiyey Warbaahinta netherlandsandyou.nl inay Dowladiisa bixiso Taageerada ugu badan ee Hawlaha Samafalka ee la siiyo Somalia ee loo sii mariyo QM, Midowga Europe iyo Ururadda Bulshadda Rayidka.
Waxa uu intaasi ku daray inay taageero ka geystaan Xoojinta Garsoorka ee Somalia, Xuquuqda Aadanaha, Xabsiyada U gaarka ah Haweenka iyo Maxaabiista aan weli qaan-gaarin iyo Ammaanka iyo Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata meelaha ka baxsan Xeebaha Somalia.
Danjiraha waxa kale oo uu tilmaamay inay muhiim tahay in Dhaqdhaqaaqooda Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda taageero ka geysteen sidii Jesiiradda Sishilis looga hirgelin lahaa Dhismaha Maxkamad u khaas ah Dacwadaha Burcad-baddeeda.
Dhinaca kale, Ambassador Frans Makken ayaa waxa la filayaa inuu dib ugu laabto dalkiisa Hooyo, kadib, markii uu dhamaystay Xilli-hawleedkiisa Safiirnimo ee shanta sano ee uu Dowladiisa wakiil uga ahaa dalalka Somalia, Kenya iyo Jesiiradda Sishilis.
Waxa kale oo uu ahaa Wakiilka Joogtada ee Xafiiska QM ku leeyihiin Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Ambassador Frans Makken waxa uu xilka Danjirenimo hayey tan iyo bishii August ee sanadkii 2015-kii, wuxuuna Fariisinkiisa dhexe ahaa Safaaradda The Netherlands ee ku taalla Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Si kastaba ha ahaatee, Ilo-wareedyo Diplomaasiyadeed ayaa sheegay inay Dowladda The Netherlands u soo magacowday Ambassador Maarten Brouwer inuu noqdo Danjiraha cusub ee uga wakiilka noqon doona dalalka Somalia, Kenya iyo Jesiiradda Sishilis.