Home Afsomali Wada-Hadalladii Nabadeed Ee Dowladda Itoobiya Iyo Tigray Oo Dib Loo Dhigay

Wada-Hadalladii Nabadeed Ee Dowladda Itoobiya Iyo Tigray Oo Dib Loo Dhigay

Wakaalladda Wararka ee Reuters ayaa ku warantay in dib loo dhigay wada-hadallo nabadeed oo u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo ciidamada ka socda gobolka ay colaaduhu ka taagan tahay ee Tigray.

Wadahadallada ayaa lagu waday inay qabsoomaan dhammaadka toddobaadkan, welina lama sheegin xiliga la qaban doono wadahadaladan.

Horaantii Jimcihii, Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, oo lagu waday inuu ka mid noqdo dhexdhexaadiyeyaasha, ayaa la sheegay inuu isaga baxay sababo uu ku tilmaamay “isku dhac” jadwalkiisa.

Wada hadallada ayaa la qorsheeyay in dhamaadka toddobaadkan ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed ayaa sidaasi qortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.