Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in maalinta berri ay tahay Ciid ayaga oo si rasmi ah Shacabka Soomaaliyeed kala hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Sidoo kale Radio Muqdisho waxa uu wareystay qaar ka mid ah dadka bisha arkay oo ku kala sugan Xiraale, Kismaayo,Garoowe iyo Boorame .
CIID WANAAGSAN SOOMAALIYEEY
Dalal kale oo islaam ah a ayaa ku dhawaaqay inay Berri oo Jimce ah ay tahay ciidul fitri, kadib soonkii bisha Ramadaan oo la soomay 29 maalmood.
Dowladda Qatar ayaa goor dhoweyd shaacisay in la arkay bishii Shawaal (Soonfur), isla markaana ay berrito tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga, iyadoo dalkasi laga arkay dhalashada bishii Shawaal.
Sidoo kale dadalka induniisiya Iyo maleysiya ayaa Ka mid ah wadamada laga arkay Bisha soonfureyd kuwaa oo la sheegay in wadamadooda laga ciidayo
Dhinaca kale wararka laga helayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya in laga arkay bishii Shawal, sida laga soo weriyey Jaamacada cilmiga xiddigaha ee Xuuda oo dadaal ugu jirtay raadinta bisha Shawaal.
Waxaa la sugayaa in Sacuudiga uu si rasmi ah ugu dhawaaqo inay Berrito tahay Ciid, iyadoo ay hore u shaaciyeen dalalka Indonesia iyo Maleysia.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA