Wefti uu Hogaaminayo Raiisul Wasaare Khayre ayaa booqday Dhuusamareeb
Wefdi horudhac ah oo loo xilsaaray inay wadada u xaaraan kaabistii Raiisel Wasaare Xasan Cali Khayre booqashadii la filaayay ee Dhuusamareeb ayaa shalay soo gaadhay magaalada. Weftiga oo ka kooban ku-xigeenno Ra’iisul-wasaare iyo ilaaladiisa amniga ah ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha, kuwaas oo ammaankooda si aad ah loo adkeeyay marka la isku daro AMISOM iyo ciidamada amniga ee dawladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu maanta booqdo magaalada, booqashadiisuna waxay ku imaaneysaa iyadoo howsha xulitaanka musharixiinta u tartameysa baarlamaanka cusub ee Galmudug ay wali ka socoto magaalada.
Si kastaba ha noqotee, jadwalka labaad ee ku saabsan jadwalka doorashada baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha oo ay dhawaan soo saareen guddiga farsamada ee maareynaya hanaanka doorashada ayaa umuuqda inay tahay mid aan macquul aheyn oo ay sabab u tahay caqabado dhowr ah oo wali ku xeeran hanaanka xulista baarlamaanka. Beelo dhowr ah ayaa muujiyay sida ay uga careysan yihiin tirada xildhibaanada ee loo qoondeeyay Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (ASWJ) halka ASWJ lafteeda ay ka soo horjeedday shuruudaha loo dejiyey murashaxiinta cusub ee hadafkoodu yahay in ay qayb ka noqdaan golaha gobolka ee soo socda. ASWJ waxay ku dooday inay u madax banaan yihiin inay soo doortaan 20-ka xubnood ee baarlamaanka ka matalaya kooxdooda baarlamaanka cusub ee Galmudug shuruudaha loo dejiyeyna ma saamaynayaan.