
Sidaana waxa lagu sheegay war-bixin dheer oo lagu daabacay majadalada lagu magacaabo East African Business Week, taasi oo uu Wargeyska Waaberi kasoo xigtay qayb kamid ah,waxaana lagu sheegay war-bixintaasi in Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayey Somaliland lagu wado inuu bilaabo shaqadiisa bisha Juun, kaasi oo uu wehelin doono nidaam lagu ilaalinayo xeebaha Somaliland .
Dhanka kale war-bixinta ayaa lagu soo xigtay hadal uu hore u sheegay safiirkii hore ee Somaliland u joogay Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, kaasi oo ahaa mid uu ku sheegay in aanay Somaliland haysan awood dhaqaale oo ay ku ilaaliso xeebaheeda.
“ Saldhiga militariga Imaraadka Carabta ayaa ka caawin doona gobolka oo dhan – Budhcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, daadguraynta sunta, mana haysanno ilo dhaqaale oo lagu ilaaliyo xeebahayaga, “ayuu Amb Baashe Cawil ku sheegay wareysi hore oo lala yeeshay.