Home Afsomali war deg deg ah Ahlu Sunna oo Weerar Khasaaro dhimasho sababay ka...

war deg deg ah Ahlu Sunna oo Weerar Khasaaro dhimasho sababay ka geesatay gudaha Dhuusomareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku waramaya in halkaasi uu maanta ka dhacay weerar khasaaro dhaliyay oo ay fuliyeen xoogag katirsan Ahlu Sunna.

Koox hubeesan oo la tilmaamay in ay katirsan yihiin Ahlu Sunna ayaa dilay labo askari oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor, waxa ayna kooxdan dilka kaddib ka baxsadeen magaalada Dhuusomareeb.

Sida aan wararka ku helnay kooxda hubeesan ee dilka geesatay ayaa horey usii qaadatay gaari Cabdi Bille ahaa iyo hubkii ay wateen askarta la dilay, waxa ayna kooxdan u baxsadeen duleedka magaalada Dhuusomareeb  gaar ahaan dhinaca deegaanka Bohol.

Gaariga ay la baxsadeen kooxda hubeesan ayaa la sheegay in horey u lahaayeen hoggaanka Ahlu sunna balse dagaal looga qabsaday, waxaana weerarkan u muuqday mid qorsheesan oo ay fuliyeen xoogag katirsan Ahlu Sunna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.