Warshadii joodariyaasha isbuunyada oo goor dhaweyd uu baaibiyey dab xoogan oo ka dhashay matoorkii xaruntooda
Wararka inaga soo gaaraya dagmada heli waa ee magaalada muqdisho ayaa tibaaxaya in warshadii goodilaha isbuunyada ee mubaarag uu dab qabsaday .
Waxaana socda gur mad lagu doonayo in la xakameeyo dabka xoogan ee ku sii fidaya guryaha ku yaal xaafadaasi
Shirkadaha isgaarsìnta oo ay ugu horeyso shirkada isgaarsiinta hormuud ayaa ku howlan wada dadaal ka dhan ah dabka ka kacay warshada
Xaruuntii ay warshada isbuunyada Mubaarak ku lahayd degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir waxaa qabsaday dab aad u xoog badan kaasoo guud ahaanba bas beeliyay xaruunta.
Dabka qabsaday xaruunta warshada Isbuunyada Mubaarak, ayaa la sheegayaa inuu guud ahaanba bur buriyay qalabkii iyo dhismaha warshada, mana jiraan wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabkaas.
Dadkii ka ag dhowaa dhismaha warshada ayaa lasheegay in markii uu dabka qabsaday ay habeenimadiiba isaga carareen iyagoo ka baxsanaya in waxyeelo uu kasoo gaaro dabka xoogan ee warshada qabsaday.
Majirin wax gurmad dhanka gaadiidka dab damiska ah oo maamulka gobolka katirsan oo halkaas gaaray
Laakiin gaadiidka dab damiska ee ay leedahay shirkada Taleefanada Hormuud, ayaa la sheegay ineey ka qayb qaadanayeen
Warshada Isbuunyada Mubaarak, oo sameysay Joodariyaasha, fadhiyada guryaha iyo waxyaabo kaloo badan aya qaybo kala duwan ku kala leh magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaliya qaarkood.
Waa markii labaad oo warshadaan uu qabsado dab qasaare hantiyadeed u geystay