Home Afsomali war qoraal ah oo ka soo baxay hadana gudoonka baarlamaanka

war qoraal ah oo ka soo baxay hadana gudoonka baarlamaanka

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen ayay waxay ugu horeyn ku sheegeen maareeynta khilaafka Golaha Shacabka oo si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Goluhu galay khilaaf Dastuuri ah.

Waxaa ay sheegeen in guud ahaan laga doonaayo shaqaallaha iyo maamulka Golaha in aysan ka qeyb galin Khilaafka cusub ee Guddoonka, si loo ilaaliyo Hantidada iyo dhammaan Ammaanka xarunta.

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Mahad Cawad oo akhriyay qodobada ay soo saareen ayaa waxaa uu sheegay in aysan aqoonsaneyn Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda, maadaama lakala diray.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hoolka Xarunta Villa Hargeysa aanay ku shiri karin Xildhibaanada kala aragti duwan.

Waxaa uu kaloo sheegay in aan Xarunta Golaha Shacabka ay u dhaxeyso dhammaan xubnaha Golaha, si aanay koox aragti kale wado aysan ugu kulmin xarunta.

Go’aanka Guddoomiye kuxigeenada ayaa u muuqda mid ay ku fulinayaan in la go’doominayo awooda Guddoomiyaha u leeyahay inuu ku maamulo Baarlamaanka iyo Miisaaniyadda Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.