Home Afsomali WAR-SAXAAFADEED maamulka Soomaaliland oo Magacaabay laba dagmo

WAR-SAXAAFADEED maamulka Soomaaliland oo Magacaabay laba dagmo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4911/072017 oo uu soo saaray maanta uu ku magacaabay laba degmo.

 

Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

 

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaamadaasi;

 

Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo in Deegaamada Dacarta iyo Xeego loo magacaabo Degmooyin cusub;

 

Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

Wuxuu go’aansaday;

 

  1. In uu Dacarta u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.
  2. In uu Xeego u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.