Home Afsomali Wararki u danbeeyey dagaalka ka socda Deeganka Qaayibka

Wararki u danbeeyey dagaalka ka socda Deeganka Qaayibka

https://youtu.be/f2MK1eQG7F4

sida warbaahinta dowladda sheegtay ururka Al-shabaab in si wayn loogu jabiyay dagaal iyo Qaraxyo ay saaka kusoo weerareen deegaanka Qaayib.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa ka hortagay oo fashiliyay sadex Qarax oo Alshabaab ay doonayeen in ay ku gaystaan waxyeelo.

Dagaal toos ah oo goobta ka dhacay ayaa Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanku sidoo kale jab wayn ugu gaysteen Al-shabaab.

Goobta waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada huwanta ah ee Dawladda iyo kuwa deegaanka, waxaana hadda lagusii daba jiraa firxadka  Alshabaabki soo weeraray.

Deegaankaan oo muhiim u ahaa ururka alshabaab ayay marar badan isku dayeen in ay dib u qabsadaan balse dhamaan isku dayadoodii waa ku fashilmeen, waxaana halkaas si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Qaranka iyo shacabka deegaanka kuwaas oo beeniyay damacii alshabaab

Wixii faahfaahin ah dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.