Waxaa ka mid ah xildhibaanada illaa hadda la soo badbaadiyey xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo sida wararku sheegayaan dhaawac qaba, iyo xildhibaanada kala ah Axmed Dhegaweyne iyo Jaamac askar.
Sidoo kale, Masuuliyiin kale iyo dad shacab ah oo weerarku ku qabsaday hotelka SYL ayaa la soo badbaadiyey, waxaana weli hotelka ku go’doonsan masuuliyiin kale, xildhibaano iyo dad shacab ah
Rasaas goos goos ah iyo qaraxyo loo adeegsanayo bambooyinka gacanta ayaa mararka qaarkood laga maqlayaa gudaha iyo agagaarka hotelka SYL, waxaana dhinaca kale jira warar sheegaya in si weyn loo xoojiyey xarumaha muhiimka ah ee dowlada.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerar rag hubeysan ay caawa ku galeen hotelka SYL ee oo ku yaalla meel ku dhow xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho
War kooban oo kooxdu soo saartay ayey ku sheegtay in dagaalyahano ka tirsan kooxdaas ay gudaha u galeen, kana dhex dagaalamayaan hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo ay dagan yihiin Wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan DFS.
“Koox inqimaasiyiin ah oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Hotelka SYL halkaasoo ay ka wadaan toogasho ay ku gumaadayaan saraakiisha iyo madaxda dowladda ee daggan Hotelka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Al-shabaab oo lagu faafiyey baraha internetka.
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Rasaas laga maqlayo Caawa Gudaha Magaaladda muqdisho.
Rasaasta oo u muuqato mid la is weydaarsanayo ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ka socoto inta u dhaxeyso Villa Somalia iyo Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen wariyayaal goobta ku sugan, waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka inta u dhaxeysa Villa Somaliya iyo Hoteel Syl.
Warar soo baxaya ayaa sheegay in kooxo ka kooban 5-dagaalyahan ay galeyn Hoteelka SYl,islamarkaana ay halakas ka dagaalamayaan.
Ilaa haatan Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan lagu qaaday hoteelka Syl oo dhowr jeer Maleeshiyaadka Shabaab ay weerareen.
Sikastaba ha ahaate Hotelkan la weeraray ayaa waxaa degan Masuuliyiin Dowladda Somaliya ka tirsan, sidoo kalena waxaa iminka lagu uruurinayay shakhsiyaad taageersan dowladda, oo la damacsan yahay in lagu darro Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Galmudug