Home Afsomali Warbixin: Doorashada Kuraasta JOWHAR iyo guusha Cosoble

Warbixin: Doorashada Kuraasta JOWHAR iyo guusha Cosoble

Jowhar-Somalisan Wararka aan ka heleeyno Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee kasoo galaya dhanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed, HirShabelle.

Arrinta Kuraasta doorashadooda la qabanayo oo saddex ah ayaa kala ah HOP#024, HOP#106, HOP#140, kuwaas oo marxalado kala duwan soo maray, kadib muranno hareeyey Magaalada.

Sidoo kale kuraastan ayaa ka mid noqonaya kuwii ugu dambeeyey ee doorashadooda lagu qabanayo caasimada HirShabelle ee Jowhar, maadaama ay gabagabo mareyso doorashada kuraasta Hirshabelle ee Federaalka.

Ugu dambeyn Kursiga HOP#024, waxaa ku fadhiyay Cabdiqaadir Caraboow Ibraahin, halka kursiga HOP#106, ay ku fadhisay Mina Xasan Maxamed, waxaana kursiga HOP#140, isna ku fadhiyay Cabdiqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.