Home Afsomali warbixin sheegaysa in dagaal Ciraaq ka dhacay uu ku dhintay Faarax Maxamed...

warbixin sheegaysa in dagaal Ciraaq ka dhacay uu ku dhintay Faarax Maxamed (Abuu Usaama

July 2014-tii waxay warbaahinta reergalbeedka, siiba ta Maraykanka iyo Canada daabacday warbixin sheegaysa in dagaal Ciraaq ka dhacay uu ku dhintay Faarax Maxamed (Abuu Usaama). Lix toddobaad kadib dhammaadkii August waxaa soo hadlay Abuu Usaama oo shaaciyay inuu nool yahay, islamarkaana uusan ku dhimanayn afka gaalada ee uu shahiidi doono xilliga uu alle u qoro. Abuu Usaama waxa uu ku dhaawacmay dagaalkaas, balse waa uu ka soo kabsaday. Waxa uu ahaa Afhayeenka Dawladda Islaamka (DI) ee Suuriya iyo Ciraaq ka dagaallamaysay ee Daacish.

Faarax Maxamed Faarax Shirdoon Saacid waxa uu ku dhashay April 1993-dii magaalada Toronta ee dalka Canada. Muddo yar kadib waxa ay qoyskiisa u soo wareegeen magaalada Calgary ee gobolka Albert. Halkaa ayuuna ku barbaaray oo wax ku bartay. Waxa uu 2012-dii galay machadka Sait Polytechnic. Se billowga 2013-dii waxa uu u batay dhanka Diinta Islaamka oo uu billaabay inuu ka agdhawaado goobaha ay isugu yimaadaan barbaarta kala jinsiyadaha duwan, se Islaamku walaaleeyay.

Waxay isbarteen Ashraf oo ka soo jeeday Aljeeriya. Ashraf waxa uu ka tirsanaa kooxda Daacish, waxa uuna u qaabilsanaa soo xeragalinta barbaarta iyo inuu u soo hor kaco dhulka uu dagaalka ka socdo ee Ciraaq iyo Suuriya. Faarax Shirdoon waa uu ku qancay arrinka uu Ashraf u soo bandhigay. Billowga 2014-dii ayuu Canada ka tagay oo uu Turkiga aaday, kagana sii gudbay Suuriya.

Faarax waxaa uu halkaa ku qaatay tababbar aad u adag, waxaana uu noqday xubin firfircoon oo luuqado kala duwanna taqaano, midaa oo soo jiidatay ururka. Inta la ogyahay dhawr xil ayuu ka qabtay. Maaliyadda, Tashkiilinta, Wacyigelinta iyo kii ugu dambeeyay ee Afhayeenka ayaa kamid ahaa xilalkii kala duwanaa ee uu qabtay.

Billowga uu ururka ku biiray waxa uu ka soo muuqday muuqaalka dhalinyaro ku labisan khamiisyo madmadow oo futashaari ah oo qoryo iyo booshash xiran oo ay wajiyadooda ka muuqdaan caro aad u daran. Mid kasta oo iyaga kamida waxa uu gubayay baasaboorka dalka uu ka yimid.

Faarax waxa uu jeexjeexay baasaboorkii Canada oo uu dab hortiisa ka shidnayd ku riday, isaga oo wacad ku maray in Canada iyo Maraykanne uu sidaa dab u qabadsiin doono. Waxa uu u dhaartay isaga oo farta gilgilaya Madaxweyne Obama. Wuxuu siddoo kale ku hanjabay in calanka Madow ee Daacish laga taagi doono guriga cad ee Maraykanka. Muuqaalkaasi waxa uu qabsaday warbaahinta dunida, gaar ahana tii Canada oo walaac ka muujisay hanjabaadda ururka.

Faarax waxaa adeer laxmi u ah Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo soo noqday Raysalwasaaraha Dalka Soomaaliya 2012-2013. Ugu dambayn magaalada Mosul ee Ciraaq ayaa duqayn lagu dilay markii ay ahayd July 2015-tii.

5 August 2014 waxaa barta Youtube-ka muuqaal soo dhigay ururka Daacish. Waxa uu ahaa muuqaal lagu soo bandhigayo ajaanibta kala duwan ee jihaadka qaybta ka ah. Waxaa muuqaalkaa ka soo muuqday Xuseen Faysal Cali (Abuu Shucayb). Waxa uu sheegay inuu ka yimid Fiinlaan, isaga oo ku taliyay inay barbaarta kalena jihaadka soo galaan.

Xuseen waa wiilka Faysal Cali Waraabe ee ah Guddoomiyaha ururka mucaaridka ee UCID ee Soomaalilaan. Xuseen waxaa uu ku dhashay, ku barbaaray, waxna ku bartay dalka Fiinlaan. Dhammaadka sannadkii 2012-dii ayuu Hargaysa soo aaday isaga oo ay la socoto gabadh uu qabo. Faysal Cali Waraabe oo Hargaysa joogay filanwaa ayay ku noqotay imaanshaha wiilkiisa iyo ogaansho la’aanta gabadha uu guursaday.

Waayadaa waxaa jirtay qulqulka barbaarta qurbaha ka timaada ee AS ku biirta. Faysal midaa ayuu istusay; inuu wiilkiisa u socda AS. Waxa uuna markiiba isaga iyo gabadhii ka wada qaaday labadoodii baasaboor, waxa uuna waardiyaashiisa ku amray inay il gooniya ku hayaan. Se xilli habeennimo ah ayuu Xuseen gurigii ka baxsaday oo dhanka Garoowe aaday isaga oo ka soo samaystay baasaboor Soomaali ah. Waxaa se lagu qabtay Laascaanood soo laabashadiisa, waxaana loo sii gudbiyay Hargaysa oo lagu xiray.

Muddo bil ah kadib Faysal oo ah qofkii marka hore xirtay ayaa xabsiga ka soo daayay oo u ka xeeyay Fiinlaan, isaga oo Hay’adaha ammaanka ee dalkaas ku dacweeyay. Se waxay u sheegeen inaysan waxba ku samayn karin qof aysan caddayn ku hayn. Muddo yar kadibna January 2014-tii waaba la waayay.

Maalinkii uu baxayay waxa uu guriga kaga tagay warqad uu hooyadii ku macsalaamaynayo. Waxaa ku qornayd farriin nuxurkeedu ahayd; inuu jihaad iyo janno raadsaday. Siddeed bilood kadib 5 August ayaa lagu arkay muuqaal ay Daacish soo fasaxeen. Intaa kadib miriqdiisa iyo muuqdiisa waa la waayay.

Saddex sano kadib waxaa la soo wacay taleefanka hooyada Xuseen Faysal Cali Waraabe. “Duqayn Maraykan ayuu ku dhintay” ayuu si dirqi ah ugu salaamay qofkii soo wacay isaga oo hinraag iyo oohin iskudaraya. Qofka hooyada soo wacay waxay ahayd xaaska Xuseen oo labo gabdhood u haysa. 29-ka December 2017-dii ayaa Xuseen Suuriya lagu dilay. Wuxuu ku dhintay duqayntii Bokomaal ee Suuriya. Wuxuu afar bilood ka dhex dagaalamayay Magaalada Raqqa June 2017 illaa October 2017.

Faarax iyo Xuseen waxay kamid ahaayeen boqolaalka barbaar ee Soomaaliyeed ee dalalka Yurub iyo Ameerika ka tagay ee Bariga Dhexe Jihaad iyo Janno u doontay.

Fiiro! Qofka midig xiga waa Faarax Maxamed Faarax Shirdoon Saacid, halka midka bidix jirane uu yahay Xuseen Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.