Home Afsomali Warcusub: Markale Ciidamo Amisom ah oo lagu qabtay iyagoo Shidaal

Warcusub: Markale Ciidamo Amisom ah oo lagu qabtay iyagoo Shidaal

Somalisan.net: Ciidamada Nabasugida ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay labo askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo gaari ay ku wateen shidaal ay iibinayeen, Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Nabadsugida ayaa labada askari ku xiray Xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in labada askari lagu wareejin doono saacadaha soo socda Taliska ciidanka AMISOM oo xilligan wajahaya fadeexooyin la xiriira musuq maasuq, Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM, kaasoo ku aadan labada askari ee la qabtay, xilli ay rabeen inay iibsadan shidaal.

AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inay iibsadaan shidaalka iyo agabyada kale ee ciidanka ee loo keeno, Bishii June ayay aheyd markii ciidamada ammaanka ay ku qabteen magaalada Muqdisho illaa 17 askari ka tirsanaa AMISOM, kuwaasoo iibsanaya agabka ciidamada iyo shidaal.

Maxkamadda Ciidamada dalka Uganda ayaa bartamihii bishan waxay xukun ku riday askar lagu helay fal dambiyeed la xiriira xatooyo iyo inay ku kaceen fal lagu xumeynayo sumcada ciidanka.

2 COMMENTS

Leave a Reply to Abdinaasir Ali Yalahow Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.