Agaasimaha Radio Daljir Garoowe, ahna kuxigeenka Tifaftiraha Daljir Khadar Awl iyo Wariye Cabdiqani Fantastic ayaa lagu xiray saldhigga dhexe ee magaalada Garoowe.
Ciidamo ka tirsan booliska Puntland ayaa la sheegay inay xireen labada wariye,waxaana la sheegay in xariga uu dhacay, xilli ay doonayeen inay maxkamadda jawaab ka bixiso ehalada marxuumad Hodan Shanlayste oo shalay maxkamadda Garoowe ku dhaliilay caddaalad darro, Hodan ayaa ahayd marxuumad horay dil iyo kufsi loogu gaystay magaalada Garoowe.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan Guddoomiyaha maxkamadda uu ku amray Ciidamada inay xabsiga dhigaan wariye Khadar Cawl iyo Cabdiqani Fantastic oo arrimaha shaqo u tagay maxkamadda iyo jawaab inay ka bixiyaan eedaha loo jeediyay maxkamadda Degmada Garoowe.
Soomaaliya ayaa waaxa ay kamid tahay dalalka ay wariyeyaasha ku Shaqeeyaan xaalado dag, isla markaana ay la kulmaan dil, Hanjabaad iyo in la iska xiro.