Wariyihii Faransiiska u dhashay oo laga sii daayey xabsiga itoobiya iyo walaaca wariyaal wali u xidhan maamulka itoobiya.
Hay’adaha u dooda Saxafiyiinta ayaa soo dhaweeyay sii deynta Galabnimadii Khamiista weriyaha Faransiiska ah ee Antoine Galindo, oo lagu xiray Itoobiya 22-kii February, waxayna ku booriyeen mas’uuliyiinta Itoobiya inay si shuruud la’aan ah u sii daayaan dhammaan xubnaha kale ee saxaafadda u xiran shaqadooda.
“Waa war aad u wanaagsan in Antoine Galindo la sii daayay, maadaama xarigiisa xaqdarada ah uu ahaa mid si weyn u xasuusin kara halista wayn ee saxaafadda ee maanta ka jirta Itoobiya,” ayuu yiri Isku-duwaha Barnaamijka Afrika ee CPJ Muthoki Mumo. “Maamulka Itoobiya waa in hadda ay siidaayaan dhammaan saxafiyiinta—ugu yaraan siddeed kale—kuwaasi oo la soo darsay xabsi bilo ah oo ay ku jireen xaalado aad u adag, iyo in ay bixiyaan dammaanad qaadka in saxafiyiinta caalamiga ah loo ogolaan doono in ay helaan warbixino ay u baahan yihiin oo aan la kulmi doonin aargoosi marka ay shaqadooda qabsadaan. ”
Maamulka Itoobiya ayaa sii daayay Galindo, oo u shaqaynayey shabakadda wararka ee Africa Intelligence ee fadhigeedu yahay Paris 29-kii Febraayo, ka dibna wuxuu ka tagay dalka oo uu ku laabtay Faransiiska, Maamulaha Guud ee Africa, Intelligence Quentin Botbol, oo ka hadlay siidaynta Saxafiga ayaa yidhi,
“Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dadka iyo hay’adaha ka shaqeeyay sii deynta Galindo,” ayuu yiri Botbol. “Waxaan rajeyneynaa in dhammaan suxufiyiinta kale ee Itoobiya ku xiran in la sii daayo oo ay sii wataan shaqadooda.”
Ciidamada amaanka ayaa Galindo xiray xili uu wareystay Bate Urgessa oo ah sarkaal katirsan xisbiga mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front (OLF) 22-kii bishan February magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
February 24, maxkamad ku taal Addis Ababa ayaa amartay in Galindo iyo Bate la sii hayo 28-Febraayo, afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Galindo loo xiray “ka gudubka” waxaan shaqadiisa ahayn iyadoo weriyaha loo oggolaaday oo kaliya inuu ka hadlo shir madaxeedka Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay Itoobiya, oo aan ahayn siyaasadda gudaha ee Itoobiya, sida ay sheegayaan wararku.
Galindo ayaa January 25 u diray warqad uu kaga codsanayo maamulka warbaahinta Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda in loo ogolaado muddo 14 maalmood ah, taas oo uu ku sheegay in Galindo uu toddobaad ku qaadan doono shir-madaxeedka, Midawga Africa kaas oo dhammaaday 18-kii February, iyo toddobaadka ku xiga “siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin mowduucyada la xiriira shir madaxeedka Midowga Afrika iyo arrimaha Itoobiya,” sida lagu sheegay dib u eegista CPJ ee warqadda.
Galindo waxaa loo ogolaaday joogitaan labo todobaad ah, sida ku cad dib u eegista Warbixinada ay soo saartay Hay’adda CPJ ee u dooda Saxaafada Aduunka foomka codsiga saxafiga. Iyada oo siddeed suxufi ay u xidhnaayeen, Itoobiya waxay ahayd ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay CPJ xabsiga labaad ee ugu xun suxufiyiinta Afrikada hoose ee Saxaraha ka hooseeya, marka loo eego tirakoobka sannadlaha ah ee CPJ ee 2023. Saxafiyiintan, oo kala bar la xiray ka dib markii lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah Agoosto 2023, ayaa weli ku jira xabsiyada Dalka itoobiya.
W:Q Mohamed Abdi Oamn (faradheere)