Home Afsomali Warki hore war soo dhaaf! Masaajidka madaxtooyada oo ay ka dhaxtafatay …..

Warki hore war soo dhaaf! Masaajidka madaxtooyada oo ay ka dhaxtafatay …..

Warki hore war soo dhaaf!
Masaajidka madaxtooyada oo maanta lagu kala carary kadib markii Ra’salwasare kheyre oo khudbad jeedinaaya ay hor istaageen saraakiisha ciidanka madaxtooyada!

Ra’salwasaare kheyre ayaa maanta salaada jumcaha ka dib ka istaagay masaajidka madaxtooyada wuxuuna yiri

” askarta kasoo baxday furimaha Dagaalka (sh/dhexe & sh/ hoose) waa mooryaan aniga I neceb kuna xiran siyaasiyiin aniga i la dagaalsan, waxaana idin kugu daliil ah in ay aaga kaso baxayaan ciidanku iyagoo ku andacoonaya 4 bil ayaa mushaar la’aan aheyn, maxaa yeelay xiligi Dowladi naga horeysayba ciidanka dhowr bilood ayaa mushaar ka maqnaa gadoodna ma sameyn jirin furimahana kama soo bixi jirin, sow uma eka in ciidanku aniga naceyb gaara ii qabaan maadaama ay gadood sameeyeen shalayna aysan sameyn”!!!!

Intaas markuu yiri ayaa masaajidka gudahiisa waxaa ka istaagay sargaal ka mida ilaalada madaxtooyada wuxuuna ugu jawaabay Ra’salwasaaraha:

“Ra’isalwasaare waa runtaa oo mushaarku waa naga soo daahi jiray mararka qaar xiligi Dowladi kaa horeysay lkn marnaba ma weyn jirin raashin & iidaan muda bilooyin ah sida hada nagu dhacdayba,sidoo kale waa mooryaan qabiila nalama dhihi jirin iyo waa I necebyihiin ee waxaan madaxdi xiligaas ku heysanay af macaan iyo madax salaax, kumana faani jirin mushaarkerna ee waxay na dhihi jireen daruufaha Dalka uu ku jiro u dul qaata waa laga baxayaaye, waa ognahay in wixi aad muneedeen aadan haysaninee” !.

Waxaa dhacday markaas in masaajidki lagu soo kala dareeray oo lagu kala cararay iyadoo afka laheysto, mar hadii ciidankii masaxtooyada ay gadoodka bilaabeen!!

Khudbada Sanadka ee kaalinta qaaday ayuu maanta jeediyay kheyre!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.