Home Afsomali Wasaaradda Caafimaadka oo ku dhawaaqday joojinta baaritaanada cudurka Karoonaha

Wasaaradda Caafimaadka oo ku dhawaaqday joojinta baaritaanada cudurka Karoonaha

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada JFS iyada oo ka amba qaadaysa hoos u dhaca xoogga ah ee ku yimid Caabuqa COVID-19 islamarkaana ku xisaabtamaysa mashaariicda baahinta talaalka caabuqa COVID-19, Waxa ay ku dhawaaqday joojinta baaritaanada cudurka Karoonaha.

Qodobada kasoo baxay Wasaaradda ayaa siddaan  u qornaa:

  1. Dhammaan dada ka safraya Soomaaliya loogama baahna Warqadda Caddeynta Baaritaan ee Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
  2. Dhammaan dadka usoo safraya Soomaaliya loogama baahna in ay la yimaadaan Warqadda Cadeynta Baaritaanka Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
  3. Dadka ka dhoofaya Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay iska hubiyaan una hoggaansamaan sharuudaha iyo habraacyada Wadamada ay u socdaan ee la xariira COVID19.

Wasaaradda Caafimaaka iyo Daryeelka Bulshada JFS waxay ku dhiiri galinaysay muwaadaniinta in ay joogteeyaan tallaabooyinka ka hortagga halista Caabuqa COVID-19.

Waxay sidoo kale ku dhiiri galinaysay muwaadaniinta in ay qaataan Talaalka COVID-19 kana ilaaliyaan naftooda iyo kan ehealadooda khatarta Caabuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.