Home Afsomali Wasiir Ciilmooge oo si adag Uga hadlay Damaca Ethiopia

Wasiir Ciilmooge oo si adag Uga hadlay Damaca Ethiopia

Waraysi  laga Qaaday Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Somalia Gornayl Cabdulaahi Ciilmooge  Xirsi kana mif ahaa Saraakiishii Dawladii Dhexe Ee Somalia bur-burkii ka hor,   ayuu kaga Hadalay Waraysiga khilaadka Somalia iyo Ethiopia ee sii xumaanaya waxaana uu dhaliilay Nadaamka Dawlada Somalia Uaga falcelisay gudaha Dalka markii la joogo aysan ahayn xaqiiqadii laga rabay, Balse Dhanka Dibada ayuu Dawlada ku amaanay inay waxbadan ka Qabatay Dhanka Diblumaasiyada Caalamka oo ay Ethiopia tustay Kibirkeeda
Arimaha Gudah waxa uu sheegay in Wadahadala Turkiga lagu balan sanyahay inay tahay qalad maxaayeelay nin gurigaag kugu haysta inaad wada hadal ka furtaa waxay noqonaysa astaan kale iyo waji kale.
waxa uu sheegay Dulaanka Ethiopia  oo ah mid dhaba inuusan jirin ka  diyaar garow muuqda oo aan lahayn ciidan iyo abaabul midna.

dhanka Kale waxa uu sheegay in Raysalwasaare Abii ahmed uu culays wayn ka haysto Gudaha Dalkiisa si uu dadkiisa u walaaleeyo ayuu ku doonayaa bada Somalia maxaayeelay waxa uu ku doodayaa in uu bad yeelato Ethiopia waa midka kaliya ee Walaalayn karta.

Halkan hoose ka Daawo

Waraysiga Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi https://www.facebook.com/share/v/sv82owGFQLkQ5ZpF/?mibextid=SphRi8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.